Museveni oo xiray Facebook & WhatsApp kahor doorashada

Published: January 13, 2021

Dowlada Ugandha ayaa Salaasadii shalay hawada ka saartay aaladaha internet iyo baraha bulshada oo ay dadka ku sheekaystaan kahor codbixinta dhici doonta maalinta khamiista ah.

Doorashada sanadkan ayaa ah mid xiisad badan wadatay oo keentay rabshado ay dad badan ku dhinteen.

Yoweri Museveni oo dalkaasi kasoo talinayey tan iyo sanadkii 1986dii ayaa si weyn uga cabsi qaba ololaha mucaaridka.

Sanadkan ayey xilka Madaxweynaha u tartamayaan 10 murashax, waxaana ugu horeeya murashaxa Bobi Wine oo ah fanaan hore oo taageero badan ku dhexleh dhalinyarada dalkaasi.

Dowlada Museveni ayaa cadaadis xoogleh saartay murashaxiinta mucaaridka gaar ahaa Bobi Wine oo dhowr jeer la xiray bilihii lasoo dhaafay.

Salaasadii shalay ayuu Bobi Wine sheegay in ciidamada markale soo weerareen gurigiisa iyagoo xir xiray illaaladiisa khaaska ah, waxaana horey loo dilay qaar kamid ah xubnaha la shaqeenayey murashaxaasi.

Bishii November ayey ciidamada amaanka toogasho ku dileen in ka badan 50 qof oo rayid ah oo ka mudaharaadayey xarig loo geystay Bobi Wine.

Maxamed Cismaan
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *