Musharaxa taageersan Falastiin George Galloway oo ku guuleystay doorasho ka dhacday UK

Published: March 1, 2024

George Galloway, oo ah xildhibaan hore oo xisbiga Labour-ka ah, oo si cad u dhaleeceeyay Israa’iil xasuuqa ay ka wado Gaza ayaa ku guulaystay doorashadii ku celiska ahayd ee ka dhacday deegaanka Rochdale, sida ay muujinayso natiijada kama dambaysta ah ee lagu dhawaaqay habeenimadii Khamiista.

Galloway waxa uu ku guulaystay 12,335 cod, ku dhawaad 40% wadarta guud ee cod bixinta.

“Keir Starmer, guushan waa taageeradda Gaza,” ayuu ku yidhi khudbadiisa guusha, isaga oo tixraacaya mawqifka aadka loo dhaleeceeyay ee hogaamiyaha Labour-ka ee ku saabsan xasuuqa ay ciidamada Israa’iil ka geysteen Gaza, oo ay ku dhinteen in ka badan 30,000 oo qof.

“Xisbiyada UK, waxaad ku bixin doontaa qiimo sare doorka aad ka ciyaartay awood siinta, dhiirigelinta iyo daboolida masiibada hadda ka socota Gaza,” ayuu yiri Galloway.

Kursiga Baarlamaanka ee uu ku guuleystay Galloway ayaa waxaa horey u heli jiray xisbiga Shaqaalaha (Labour).

“Xisbiga Shaqaalaha waxa ay ogeysiis u tahay inay lumiyeen kalsoonida malaayiin codbixiyeyaashooda ah kuwaas oo si daacad ah ugu codeenayey jiilba jiilka ka dambeeya,” Galloway ayaa sheegaya, in xisbigaasi oo codod badan ka heli jiray muslimiinta UK uu ku guuldareystay inuu ku baaqo xabbad-joojin si loo joojiyo xasuuqa Gaza.

Horseed Media