Musharrax u tartamay inuu kamid noqdo Golaha Shacabka oo lagu dilay Muqdisho

Published: November 22, 2022
Shares10

Dabley hubeysan ayaa Magaalada Muqdisho gaar ahaan Degmadda Wadajir ku dilay Marxuum Maxamed Xuseen Sabriye Guuleyste.

Marxuumka la dilay ayaa kamid ahaa musharrixiinta u tartamay kursiga HOP#33 ee uu kusoo baxay Xildhibaan Yuusuf Kabaale.

Ragga dilka geystey oo ku hubeysnaa bustoolado ayaa falka kadib goobta ka baxsaday sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Ciidamo katirsan kuwa Booliska ayaa gaaray goobta uu dilka ka dhacay, iyagoo sameeyay howlgallo baaritaano ah.

Laamaha Amniga ayaan weli ka hadlin dilka loo geystay Marxuum Maxamed Xuseen Sebriye.

Horseed Media