Madaxweynaha cusub ee dowlad deegaanka oo ka hadlay qorshayaashiisa xukuumada

Published: August 27, 2018

Madaxweynaha cusub ee Dowlad Deegaanka Soomaalida Mustafe Muxumed oo maalintii shalay loo dhaariyay xilka madaxweynenimo iyo kamid ahaanshaha xisbiga talada haya ee dowlad deeganka, ayaa ka hadlay qorshayaasha horyaala iyo qodobada ugu muhiimsan ee uu ka shaqeyn doono mudada uu xilka hayo.

Madaxweyne Cagjar ayaa sheegay inay jiraan arimo muhiim ah oo u baahan in xooga la saaro, oo ay ugu horeyso soo celinta xasiloonida deegaanka iyo kalsoonida shacabka ay ku qabaan dowladooda.

Wuxuu sheegay inuu ugu horeyn diiradda saari doono Xalinta colaadaha ka dhex jira qabiilada deegaanka iyo qowmiyadaha kala ee deriska la ah Soomaalida.

Sidoo kale wuxuu sheegay inuu soo celin doono Sareynta Sharciga iyo xuquuqaha ay leeyihiin dadweynaha, iyadoo la joojin doono awoodaha dheeriga ah ee ay yeelan karaa madaxda dowladda, taasi oo lagu dhibaateyn karo dadka.

Arinta ugu sii muhiimsan ee uu ka shaqeyn doono ayuu ku sheegay inay tahay soo celinta Soomaalinimada iyo astaamaheeda, taasi oo muujineysa isirka ay kasoo jeedaan islamarkaana aan dhibaato ku aheyn inay kasii mid ahaadaan Ethiopia.

Mustafa Cagjar, ayaa shalay gaaray magaalada Jigjiga, wuxuuna Addis Ababa kaga dhawaaqay in la badalay magaca iyo astaantii calanka ee lagu yaqaanay dowlad Deegaanka Soomaalida.

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *