Muuqaal uu baahiyey SNTV oo kashifay Mahad Salaad Agaasimihii NISA, weeraka Hotel SYL

Published: April 5, 2024
Shares16

Waxaa maanta sheegay in uu xilka iska casiley Agaasimihii hay’adda sirdoonka qaranka ee NISA Mahad Maxamed Salaad. Haddaba xog soo gaartey HORSEEDMEDIA ayaa sheegaysa in Madaxweyne Xasan Sheekh uu Mahad Salaad ka codsadey in uu istaqaalo keeno bishii Maarso ee la soo dhaafey wax yar kadib weerarkii Hotel SYL.

Weerarka SYL Hotel ma jirin wax digniin ah oo hay’adda sirdoonku ay bixisey ama in qaraxyo ay magaalada ku jiraan, ma jirin xog lagu soo qabtey kuwa soo abaabuley weerarka ee waxaa lagu soo qabtey kaamarooyinka CCTV ee ku xiran waddooyinka Muqdisho, ciidamada NISA hawlgalka lagu qabtey waxba kama geysan waxaa soo qabtey ciidamada Gaashaan ee Maraykanku tababaro.

Labada gaari ee mid kamid ah qaraxa loo adeegsadey ayaa soo dhaafey goobo badan oo gawaarida lagu baaro waana la baarey si lamid ah gawaarida kale, ma jirin ciidamo saarnaa gawaarida, ma jirin hub laga helay baaritaanka lagu sameeyey, qaraxa gaariga lagu soo xirey ayaa ahaa nooca dhejiska ah kaas oo xili uu ku dhaw yahay Hotel SYL lagu dhejiyey.

Kashifaada ku dhacdey Mahad Salaad ayaa ah in labada gaari ay ka soo gudbeen barta Kontroolka ee Sayidka saacadu markey ahayd 21:40 daqiiqo, muuqaalka ku xiga ayaa ah marka qaraxu dhacay oo ah 21:51 daqiiqo, waxaa jirta 10 daqiiqo oo meesha ka maqan, Sayidka iyo Hotel SYL gaaarigu waxa uu isaga gudbi karaa wax ka yar hal daqiiqo. Khubarada arrimaha amniga ayaa shegaya in 10-ka daqiiqo ee maqan ay tahay xiliga gawaarida la saarey hubka lagu dagaalamay qaraxa dhejiska ahna lagu xirey waxaana ay taagnaayeen meel aan ka fogeyn Hotelka la weerarayo, sidaas darteed waxaa jirta gacan Dowladda ah oo loo malaynaayo NISA in ay weerarkan fududeysey.

Waxa taas dheer ninka is qarxiyey iyo ninka isku soo dubaridey waxay jifi hoose la wadaagaan Agaasimihii maanta xilka laga cayriyey Mahad Salaad.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa bishii Maarso ee la soo dhaafey Mahad Salaad ka codsadey in uu iscasilo, waxa uu codsadey in uu muddo bil ah siiyo ilaa ramadaanku ka dhamaanayo, haddii kale weerarka SYL iyo is casilaadda la isku xiraayo taas oo madaxweyne Xasan Sheekh oggolaadey. Labadii bilood ee u danbeysey waxaa dhaqaalaha laga jiray hay’adda NISA markii ay soo baxdey warar sheegaya in Mahad Salaad u dhaqaale ku siiyo al-Shabaab in aysan weeraro ka geysan magaalada Muqdisho gaar ahaan Hoteelada, laakiin kadib markii uu ogaadey in xilka laga qaadayo uu soo fasaxey kuwa isaga xigtada u ah ee gacan yarayaasha u ahaa Mahad Karateey oo ah madaxa amniyaadka ee al-Shabaab.

Todobaadkan waxaa ka biliwdey xarunta NISA bililiqo, waxaa lala baxay Baaskoolado aad u badan, gawaari iyo rasaas badan, warkan ayaa gaarey Madaxweynaha waxayna soo dedejisey xil ka qaadista iyo magacaabista degdeda ah.

Agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin ayaa horey ugu eedeeyey Mahad Salaad in uu la shaqeeyo amniyaadka al-Shabaab gacan yare u yahay Mahad Karataay, isla markaana uu fududeeyey dilka taliyaal ka mid ahaa Dowladda federaalka, Fahad Yaasiin ma soo bandhigin xog xoojineysa sheegashadiisa.

DAAWO MUUQAALKA WEERARKII SYL IYO 10 DAQIIQO EE MAQAN.

HORSEEDMEDIA