Muuse Biixi oo ka hadlay doorashada Madaxweynaha Soomaaliya

Published: May 11, 2022

Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa ka hadlay arrimaha doorashada Soomaaliya, mar uu maanta ka qayb galay cufcadii koowaad ee qalinjebinta barashada dastuurka iyo waddaniyada Somaliland.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa sheegay in uu Soomaaliya u jareynayo inay doorasho nabad ku dhacda.

“Soomaaliya waxaan u rajaynayaa nabad iyo doorasho wanaagsan inay qabsadaan” ayuu yiri Madaxweyne Muuse Biixi

Sidoo kale, Madaxweyne Biixi ayaa soo hadal qaaday dadka Somaliland ka soo jeeda ee u sharaxan xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

“Kaa ninka doortay ee damiirkiisu kaa siiyay iyo ninka ogolaaday ee doonaya in uu masiir kiisa ka taliyaa, horta waa dameer iyo labadiisii daan oo waxba isma dhaamaan, dhibaatada kasoo gaadhana anaga nooma eersadan, oo Somaliland ayaa wax na yeeshay ma yidhaahdaan” ayuu yiri Biixi.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *