Muuse Biixi: ” Waxaan u mahadnaqayaa Farmaajo iyo Rooble”

Published: April 9, 2022

Waxaa xalay magaalada Hargeysa lagu qabtay kulan afur ah oo qaaraan loogu ururinayey masiibadii ka dhacday suuqa Waaheen ee ku yaalla bartamaha magaalada, waxaana kulanku ka dhacay madaxtooyada, iyada oo ay kasoo qaybgaleen inta badan madaxda sare ee Somaliland iyo ganacsatada waaweyn.

Warsaxaafadeed ka soo baxay xarunta madaxtooyada ayaa lagu sheegay in xafladdii afurka ahayd in lagu ururiyey qaaraan lacageed oo gaaraya illaa 8 million oo dollar oo ay ku yabooheen ganacsatada kala duwani.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo martigeliyey kulankan afurka ah ayaa sheegay inay wadayaan qaadhaankan illaa laga gaadhayo laba bilyan oo dollar, wuxuuna u mahadnaqay cid kasta oo gacan ka geysatay gurmadka suuqa waahen.

Madaxweynaha ayaa si gaara u xusay madaxda dowlada Soomaaliya, isagoo sheegay in ay lasoo hadleen, una soo tacsiyeeyeen isaguna uu u mahadnaqay.

“Muqdisho labada madaxda u ahi way ila soo hadleen madaxweynaha iyo raysal wasaaruhu, madaxweynaha Maxamed Cabdillaahi Farmaajo wuu isoo wacay, wuu iga tacsiyadeeyay, waan u mahadnaqay, waxaa isoo wacay ra’iisal wasaaraha, waa i tacsiyadeeday waa uga mahadnaqay…..Waxanan aad ugu mahadnaqaya ganacsatada Muqdisho ee markiiba shiray, ee dareenka muujiyay”. ayuu yidhi madaxweyne Biixi.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *