Muxuu Yahay Shirka Garoowe Ee Uu Ku Dhawaaqay Farmaajo

Published: February 9, 2021

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee waqtigiisu dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shir ku saabsan arrimaha doorashooyinka isugu yeeray Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

Shirkan ayaa ka furmaya 15-ka bishan Febaraayo magaalada Garoowe ee Dowlad Goboleedka Puntland, waxa uu dhameystir u yahay fulinta heshiiskii ay Golaha Wadatashiga Qaran ku gaareen magaalada Muqdisho 17kii Sebteembar 2020.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay sii xoojinaysaa dadaalkeeda ku aaddan sidii dalka looga hirgelin lahaa doorashooyinka, loogana wada hadli lahaa arrimaha lagu kala aragti duwan yahay iyada oo aasaasku yahay dhaqangelinta heshiiskii ay ansixiyeen Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare 26kii Sebteembar 2020” ayaa lagu yiri Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada.

Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwa maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa dhawaan shir maalmo socda ku yeeshay Magaalada Dhuusamareeb, hayeeshee waa fashilmay, iyadoona la isku mari waayay.

Shirkaan ayaa waxaa uu kusoo aadaya, iyadoo shalay uu dhammaaday muddo xileedka dastuuriga ee Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaana qabashada shirka Madaxweynaha cadaadis ku saartay Beesha Caalamka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment

  1. Farmajo riwaayadihiisii weye shirar an macna lahayn ayuu dadka kula meereeysanayaa, isagaa Soo xiray oo kasoo baxay wadahadalka isagoo dantiisa khaaska ah wata, cid a dan uma hayo. Dad iyo dalba waa baabiyey. UNta ayaa khasbaysa, wa fulay aan goaan gesinimo leh iyo tamaasul gaari Kareyn. Mana ah siyaasi dulqaad iyo garowsho midna lahayn oo aaminsan inuu dadka igu aqoon iyo garashaba badan yahay. Taasina Waa nacasnimo. Hadalkiisana ma laha nuxur siyasadee iyo tusale fiicam oo lagu qacin karo.