Najib Rizak Raysalwasaarihii hore ee Malaysiya oo 12 sano oo xabsi ah lagu xukumey

Published: August 24, 2022

Raysal wasaarihii hore ee Malaysia ayaa maxkamadda sare ee dalkaasi ku xukuntey 12 sano oo xabsi ah kadib markii lagu helay musuqmaasuq iyo ku takrifal awoodda

najib rizak

Najib Razak ayaa noqday ra’iisul wasaarihii ugu horeeyay ee Malaysia oo xabsiga gala, kiiska xabsigiisa ayaa la xiriira fadeexad balaayiin dollar ah oo lagu sameeyay sanduuqa dowlada 1MDB.

Dadka Malaysiya ayaa si weyn u soo dhaweeyey xabsiga Najiib, waxayna sheegeen inay rajeynayaan inay digniin adag u diri doonto siyaasiyiinta kale ee xitaa ku fakara inay ku takri falaan hantida dadweynaha, halka kuwa mucaaradsanaa siyaasadda Najib ay ku ammaaneen inay taasi caddayn u tahay madax-bannaanida garsoorka dalka.

Kiiska ugu adag iyo cadeynta Najib lagu hayo ayaa waxaa kamid ah lacag ka badan 10 milyan oo akoonkiisa khaaska ah lagu shubay, lacagtaasi oo laga soo saaray sanduukha 1MDB.

69-jirkan ayaa la dhigay xabsiga Kajang, oo qiyaastii 40km (25 mayl) u jira caasimadda Kuala Lumpur.

“Tani waa mid aan horay loo arag. Najib waxaa lagu xasuusan doonaa waxqabadkiisii ​​ugu horeeyay, Ra’iisul wasaarihii ugu horeeyay ee ku guuldareysta doorasho guud, kii ugu horeeyay ee la xukumo xabsigana la dhigo,” ayuu yiri Adib Zalkapli, oo ah agaasimaha hay’adda ka taliusa khatarta siyaasadaha ee Bower Group Asia.

Maxkamadda ayaa soo bilaamatey sanadkii 2018, markii Boolisku gacanta ku dhigeen lacagta lagala baxay sanduukha dowladda.

Najib Rizak ayaa ahaa raysalwasaaraha Malaysia mudadii u dhexeysey 2009 – 2018 waxaana uu dalkaas ku soo maamuley gacan adag.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *