Natiijada Imtixaanka shahaadiga ee Federaalka sanad dugsiyeedka 2020/2021

Published: July 22, 2021
Shares2

Wasaaradda Waxbarshadda, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday Natiijada Imtixaanka Sanad Dugsiyeedka 2020-2021, waxaana ka qeyb galay Sanadkaan 34345 arday oo ku kala sugan goboladda dalka iyo Caasimadda Muqdisho.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarshadda, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xildhibaan Cabdullahi Abuukar Xaaji ayaa sheegay in ay Wasaaradda Waxbarshadda mas’uuliyad iska saari doonto sidii loo hubin lahaa Tayadda iskuuladda bixiya Waxbarshadda Dugsiga Sare .

Sidoo kale Wasiirka waxaa uu sheegay in laga bilaabo Sanadka 2021-2022 Al-baabada la isagu dhufan doono iskuulada bixiya fasalka 3aad iyo 4aad ee Dugsiga Sare ee aanan laheyn Dugsi Sare oo rasmi ah sidoo kale Wasiir Cabdullahi Carab ayaa sheegay inay sii wadan karaan iskuulada Hoose, Dhexe koorsooyinka lagu dhisayo dadka ay kala wayn tahay da’adooda iyo waxbarshadooda.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashadda Mudane Maxamed Caabi Xasan oo ka hadlay goobta Imtixaanka lagu soo bandhigayay ayaa u mahad celiyay ardayda ka mira dhaliyay Da’daalkoodi kuwa kaalimaha hore galayna ee Dowladda Federaalka Somaaliya siin doonto deeq Waxbarsho heer jaamacadeed, sidoo kale Agaasimaha ayaa ku dhiiri geliyay ardayda aysan u suurta gelin in ay ka gudbaan imtixaanka in aysan niyad jebin wakhtigii dheeraa oo ay wax soo barteen ayna ugu harin 1 sano oo ay Imtixaan ka gudbi waayeen.

Wasaaradda Waxbarshadda ayaa Imtixaanka mideysan qaadeysa Sanadkii 7 aad oo xariir ah waxaana nasiib u yeeshay sandkaan in ay ka gudbaan Imtixaanka Qaranka arday gaareysa 30262 oo u dhiganta 87% halka ay dhaceen 4646 una dhiganta 13% waxaa nasiib wanaag ah in ay baaseen ardaydii ugu badneynd 3sano ee lasoo dhaafay .

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment

  1. Waxaan ahay wiil arday ah waxaan rajaynaa in aan ku gudbo imtaxaanka dowlada sanad dusiyeedka 2021/2022
    Waxaan ahay arday ugalay Iskuulka hooyga midnimo fasalka 8aad waxaan rajaynayaa guul inshaa Allaah.