Netanyahu: ‘Ma u hoggaansami doono amarrada Beesha Caalamka’

Published: February 18, 2024
Shares4

Raysalwasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa sheegay inaysan u hoggaansami doonin “amarrada” uga imaanaya Beesha Caalamka ee ku aadan inuusan weerarin deegaanka Rafah ee koonfurta Gaza.

Netanyahu ayaa sidoo kale sheegay inaysan aqbali doonin in Beesha Caalamka ay aqoonsato Dowlada Falastiin oo madax-banaan.

Hadallada Netanayahu ayaa la shaaciyey saacado kadib markii uu khadka Telefoonka kula hadlay Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden oo ku baaqay in Israel aysan weerarin Rafah, labada nin ayaa la sheegay in xiriirkooda sii xumaanayey, walow Mareykanka uu si buuxda weli garab usiinayo xasuuqa Israel ka wado Dhulka Falastiin.

Diidmada Israel ee baaqyadda Beesha Caalamka ayaa salka ku heysa isku haleynta ah inay mar walba taageero ka heli doonaan dalalka Reer Galbeedka oo difaac diblumaasiyadeed u ah danbiyada ay Israel gasho.

Netanyahu ayaa dhinaca kale ku gacan-seeray baaqyada shacabkiisa ee doonaya xabad joojin, si Xamaas usoo deyso dadka ay heystaan.

Xukuumada Netanyahu ayaa ka cabsi qabta in hadii dagaalka la hakiyo ama la joojiyo, ay ku khasbanaan doonaan inay xilka baneeyaan maadaama shacabka Israel ay iyaga u heystaan khasaarihii soo gaaray 7dii Oktoober.

Horseed Media