Netanyahu oo sheegay in aysan xabad joojin dhici doonin ilaa Xamaas ay burburiyaan

Published: June 1, 2024

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa Sabtidii sheegay in aysan xabad joojin joogto ah ka dhici karin Gaza ilaa Xamaas la burburiyo, isaga oo shaki geliyey qeyb muhiim ah oo ka mid ah hindise xabbad-joojin ah oo uu madaxweynaha Maraykanka Joe Biden sheegay in Israa’iil lafteedu soo gudbisay.

Biden ayaa Jimcihii sheegay in Israa’iil ay soo jeedisay heshiis xabbad joojin lix toddobaad ah iyo qayb kamid ah ka bixitaanka millatariga Israel iyo sii deynta qaar kamid ah la haystayaasha.

Si kastaba ha ahaatee, hadalka Netanyahu ee maanta oo Sabti ah ayaa meesha ka saaray in Israa’iil ay aqbali doonto xabbad-joojin ka hor “burburinta militariga Hamas iyo awoodaha maamulka”.

Xamaas waxa ay sheegtay Jimcihii in ay diyaar u tahay in ay si togan waan waanta balse mid kamid ah saraakiisha sarsare ee kooxda Mahmoud Mardawi ayaa ku sheegay waraysi uu siiyay telefishinka Qatar in aanay wali helin faahfaahinta soo jeedinta.

“Ma jiro wax heshiis ah oo la gaari karo ka hor inta aan la gaarin dalabaadka ka bixitaanka ciidanka qabsaday iyo xabbad joojin,” ayuu yidhi.

Horseed Media