Netanyahu: Qatar iyadaa maalgelisa Xamaas ee hanoo soo deyso dadka ay naga heystaan!

Published: January 28, 2024

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa Qatar ka codsadey sii deynta dadka looga heysto Qaza, isagoo sheegay in Doxa looga baahan yahay inay adeegsadaan awood ay ku leeyihiin Xamaas maadaama ay maalgeliyaan Kooxdaasi.

Hadalkan oo aan caadi ahayn ayaa soo baxay habeen hore sida ay ilo-wareedyo u sheegeen wakaalada wararka ee Reuters kadib kulan dhex maray Ra’iisul wasaaraha Qatar, madaxda sirdoonka ee Israa’iil, Maraykanka iyo Masar si ay uga wada hadlaan heshiis cusub oo lagu soo deynayo maxaabiista ku jira gacanta Xamaas.

“Qadar waxa ay martigelisaa madaxda Xamaas. Waxay kaloo maalgelisaa Xamaas. Waxay awood ku leedahay Xamaas,” Netanyahu ayaa ku yiri shir jaraa’id oo telefishinka laga sii daayay. “

Israa’iil oo muddo ka badan sadex bilood duulaan iyo xasuuq ka waday Gaza ayaa ku guuleysan waayey inay soo siidaayaan dadka laga heysto, arrintaasi oo ah mid kamid ah ahmiyadaha ugu weyn oo ay Isra’iil sheegtay inay uga dan leedahay weerarkeeda.

Horseed Media