Nigeria: Boko Xaram oo 110 qof ku dishay weerar!

Published: November 30, 2020

Maleeshiyaadka Boko Xaram ee ka tirsan kooxda Daacish ayaa markale xasuuq la beegsaday shacab beeralay ah oo ku nool gobalka Borno ee Waqooyi-bari dalka Nigeria.

Weerarkan oo dhacay sabtidii lasoo dhaafay ayey maleeshiyaadkan ku dileen 110 oo u badan ragga  iyo dhalinyaro beeralay ah oo aan hubeysneyn, dadkaasi oo ahaa muslimiin.

Kooxdan ayaa xasuuqan geysatay iyadoo la rumeysan yahay inuu weerarkan ahaa mid ay uga aargudanayaan qaar kamid ah shacabka deegaankaasi oo is hubeeyey kuwaasi oo dilay rag ka tirsan Boko Xaram oo ka dhacayey xoolahooda nool.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *