Nigeria: Boko Xaram oo sheegatay Afduubka Boqolaal arday ah!

Published: December 16, 2020

Kooxda Boko Xaram oo ka tirsan Daacish ayaa sheegatay in ay ka danbeysay weerarkii todobaadkii hore lagu qaaday iskuul ku yaal waqooyiga dalka Nigeria, halkaasi oo ay kooxo dabley ah ka qafaasheen in ka badan 300 arday oo wiilal ah.

Cajalad Maqal ah oo uu shaaciyey hogaamiyaha Boko Xaram Salaasadii shalay ayuu ku sheegtay inay kooxdiisa ay ka danbeysay weerarkii ka dhacay iskuulka ku yaal magaalada Kankara ee gobalka Katsina (Waqooyi-galbeed Nigeria).

Boqolaal arday ah ayaa ku sugnaa iskuulkaasi oo ahaa dugsi-sare oo ay ardayda seexdaan waxaan xiliga weerarka dhacay ku sugnaa in ka badan 600 arday.

Inkastoo aysan dowlada Nigeria weli si rasmi ah u shaacin tirada ardayda la afduubay, ayey dhanka kale waalidiinta iyo iskuul sheegayaa in tirada caruurta maqan ay gaarayaan 333 arday.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *