Nin Ciraaqi ah oo maxkamada loo soo taagay dilka gabar Soomaali ah

Published: February 19, 2022

Ninka u dhashay dalka Ciraaq ayaa Jimcihii shalay lasoo hortaagay maxkamadda magaalada Ampang, kaddib markii lagu eedeeyay inuu dilay haweeney Soomaali ah.

Ali Ahmed Abdullah Al-Maghazachi, oo 25 jir ah, ayaa dhageystay dacwada lagu soo oogay iyo eedeymaha loo heysto iyadoo loogu tarjumayey luuqada English maadaama uu luuqada Malayga ku hadlaayey Garsooraha Normaizan Rahim.

Cali Axmed ayaa lagu soo oogay inuu dilay Dahabo Cumar Cali, sida uu dhigayo qodobka 302 ee xeerka ciqaabta oo dhigaya in dil toogasho ah lagu xukumo haddii lagu helo dambiga.

Ninkan iyo gabadha la dilay ayaa la sheegay inay is-yaqaaneen isla markaana kawada shaqeyn jireen goob makhaayad ah.

Dilkan ayaa la sheegay inuu dhacay 13kii Feberaayo. Maxkamaddu waxay u qabatay 9-ka May in la dhageysto kiiskan.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *