Nin Mucaarad ku ahaa Madaxweynaha Jabuuti oo lagu xiray Somaliland

Published: May 22, 2022
See the source image

Ciidamada Somaliland ayaa xabsi ku yaala degmada Gabilay dhigay nin lagu magacaabo Aare Saleebaan Cowleed. Ninkaan ayaa baraha bulshada si weyn uga dhaliila madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Xariga ninkan waxaa xaqiijiyay Xamse Khayre oo ka tirsan Xisbiga mucaaradka ah ee Wadani oo xabsiga ku booqday.

Sidoo kale waxa uu xukuumada Somaliland uga digay iney ninkan mucaaradka ah u gacan galiyay dowlada Jabuuti oo uu ka soo cararay.

Xarunta madaxabannaan ee Xuquuqul Insaanka Somaliland ayaa iyana war ka soo saartay kiiska ninkan.

Xarunta ayaa ka digtay in Somaliland ay ku kacdo fal lamid ah mid ay Jabuuti ugu dhiibtay 2014-kii muwaadin isaga soo cararay cabsi uu qabo madaxweynaha Jabuuti dartees

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *