Nin ku eedeysnaa weerar ka dhacay Garoonka Aadan Cadde oo toogasho lagu xukumay

Published: December 14, 2022
Shares16

Maxkamadda drajada kowaad ee ciidamada sida ayaa maanta dil toogasho ah ku xukuntay Maxamed Cabdulle Nuur Abkow (Biyamaalow) oo ku eedeysnaa inuu fududeeyay weerarkii lagu qaaday garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa warbaahinta u sheegay xukunka Biyamaalow.

Biyamaaloow ayaa ku eedeysnaa inuu ka dambeeyay weerarkii Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee dhacay 23-kii March Sanadkan.

Weeraekaas ugu yaraan lix qof ayaa ku dhintay sida ay booliisku sheegeen.

Horseed Media