Nuqul Kamid ah Khubadii James Swan Ka Jeediyey Golaha Amaanka QM

Published: May 25, 2021

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Maanta oo talaado ah shir gaar ah ka yeeshay xaaladda dalka Soomaaliya, waxaana kulanka khudbad ka jeediyay Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

James Swan oo shirka khudbad ka jeedinayay ayaa waxaa uu sheegay in muhiim ay tahay in Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada ay heshiis ka gaaran doorashada dalka ka dhaceysa.

“Waa muhiim in shirka ka socda Muqdisho uu ka soo baxo heshiis la fulin karo si doorashada loogu qabto waqtiga ugu yar ee suurtagalka ah”

James Swan

Waxa uu ka warbixiyay maraxaladihii ay soo martay siyaasada dalka gaar ahaan arrimaha la isku khilaafay ee doorashooyinka. Waxana uu soo hadal qaaday muddo kororsigii uu Golaha Shacabka isku dayay.

“Geedi socodka siyaasadeed ee lagu hirgalinayo doorashooyinka Soomaaliya ayaa bilihii lasoo dhaafay la kulmay caqabado badan. Wadahadalkii udhaxeeyey Dowlada Federaalka iyo hogaamiyaasha Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Federaalka oo bilowday bishii Maarso ayaa si nasiib daro ah u burburay horaantii bishii April. Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa markaa kadib ansixiyay “Sharci Gaar ah” oo baabi’inaya heshiiskii doorashada ee 17-kii Sebtember, iyadoo dib loogu noqonayo qaab hal qof iyo hal cod ah, iyo in loo kordhiyo waqtiga howl-wadeennada xafiiska hadda jooga illaa laba sano oo dheeri ah. Ka soo horjeedka talaabooyinkan waxay keeneen abaabul maleeshiyo iyo kala qaybsanaan soo dhex gashay ciidamada amniga Soomaaliya. Isku dhacyo gacan ka hadal ah ayaa ka dhacay 25-kii Abriil.”

James Swan

“Madaxweyne Farmaajo ayaa xaalada meel halis ah ka soo celiyay kadib cadaadis xoog leh. Golaha Shacabka 1dii Maajo ayuu dib ugala noqday Sharciga Gaarka ah, codsi ka yimid Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed “Farmaajo”. Madaxweynaha ayaa intaas kadib awood u siiyay Ra’iisul Wasaaraha inuu hogaamiyo ka qeybgalka DFS ee howlaha doorashooyinka, oo ay ku jiraan qabanqaabada amniga iyo wadahadalada ay la leeyihiin FMSes. Tallaabooyinkani waxay si weyn u yareeyeen xiisadihii.”

James Swan

Sidoo kale James Swan ayaa ku boggaadiyay Madaxda dowladda iyo kuwa maamulada dalka dadaalka ay ku doonayaan inay heshiis uga gaaraan khilaafyada jiray, taasi oo uu xusay inay ku jirto danta dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

“Waxaan amaanayaa dhammaan hoggaamiyeyaasha Soomaaliyeed ee doonayay tanaasulka iyo is afgaradka inta lagu gudajiro xilligan… taaas oo ay ku jirto danta dalka iyo dadka Soomaaliyeed. Dareenka tanaasulka ayaa weli ah arrin degdeg loogu baahanyahay si horay loogu sii socdo”

James Swan

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *