Qardho:Odayaal ku baaqay ilaalinta nabad iyo amniga Puntland kana digay abuurista xaalado siyaasadeed xiligan. (Muuqaal)

Published: February 27, 2017

Odayaasha iyo waxgaradka gobolka karkaar oo manta kulan isugu yimi magaalada Qardho ee xarunta gobolka ayaa waxa ay uga hadleen kulankooda xaaladaha xiligani ka jira Puntland kuwaso ay kamid yihiin Abaaraha iyo xaladaha amni ee mudooyinkan sii xumaanayay.

Odayaasha ayaa waxa ay kulankooda ku lafagureen sidii umada reeer Puntland xukuumad iyo shacab la isaga kaashan lahaa sugida amniga iyo sidoo kale sidii la isaga kaashan lahaa abaaraha xiligani ka jira geeska Africa gaar ahaan soomaaliya.

Odayaashsa ayaa mar ay soo hadal qaadeen dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee Puntland ka dhacay waxa ay sheegeen in xilgan munaasib ahayn in la abuuro xaalado siyaasadeed iyo kacdoon shacab waxayna ku baaqeen cidii arintaa abuuraysa inay xiligeeda sugto eegtana xaaladaha adag ee dalka ka jira ee abaartu u darantahay.

Odayaasha ayaa marna soo hadal qaadin dhacdadii lagula wareegay Xarunta baarlamaanka Puntland ee Garowe taasoo ciidankii la wareegay ku sababaeeyeen inay ku qasabtay kadib markii ay in mudo ah ay mushaar la`aan ahaayeen waxgaradka ayaana wax baaq ah iyo talo soo jeedin u jeedin madaxwaynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas kaaso ku aadan wax ka qabashada dhiliilaha iyo tabashooyinka xiligani jira.

Muuqaalka Odayaasha Halkan ka daawo:

 

 

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *