Pakistan: Imran Khan oo ku baaqay isu-soo baxyo ka dhan ah xukuumadda dalkaasi

Published: October 27, 2022
Shares10

Ra’iisal wasaarihii hore ee Pakistan Imran Khan ayaa ku baaqay isu-soo baxyo ka dhacaya dalka Pakistan. 

Imran Khan ayaa sheegay in isu-soo baxyadu ay bilaabanayaan maalinta Jimcaha, si loo muujiyo awoodda shacabku ay ku doonayaan inay sanduuqa wax lagu bedelo.

Sidoo kale waxa uu ka digay inay dhici doonto fawdo haddii ay masuuliyiinta dalkaasi isku dayaan inay hor-istaagaan mudaharaadada.

Imran Khan ayaa sheegay in mudaharaadkan oo wakhti dheer la qorshaynayey, inuu ka bilaabmi doono dhinaca bari ee magaalada Lahore, isaga oo ku faafi doono qaybo badan oo dalka Pakistan ah, iyada oo shacabku ay doonayaan inay ku cadaadiyaan xukuumadda inay qabato doorashooyin wakhtigoodii laga soo hormariyey.

Imran Khan ayaa ku eedeeyey ra’iisal wasaaraha haatan xukuma dalka Pakistan ee Shehbaz Sharif inuu qaadayo tallaabooyin ka dhan ah mucaaradka ka soo horjeeda iyo weliba isaga oo xakamaynaya xorriyadda warbaahinta.

Wuxuu sheegay in arrintaasi ay Pakistan u horseedday in shacabku ay dareemaan culays iyo nacayb.

Horseed Media