Pakistan: QM oo ka digtay cuduro ka dhashay fatahaadihii ku dhuftay dalkaas

Published: October 4, 2022

Qaramada Midoobay ayaa sheegay in dalka Pakistan uu haatan gelayo wejigii labaad ee saamaynta ka dhalatay fatahaadaha, ka dib markii ay soo baxeen wararka sheegaya xanuunada faafa ee ka dhashay fatahaadaha oo lagu arkay dalkaas.

Qaramada Midoobay ayaa ka digtay halis ku soo fool leh dalka Pakistan ee ay daadadku halakeeyeen, iyaga oo sheegay in laga cabsi cabsi qabo saameynta xanuunada kaneecada/duumada, shubanka, cudurada maqaarka ku dhaca iyo kuwa kale.

Isuduwaha arrimaha gargaarka bini’aadanimo ee Qaramada Midoobay ee dalka Pakistan Julien Harneis ayaa sheegay in wejigii hore ee masiibada ka dhalatay daadadku inay sababtay burbur xooggan oo soo gaadhay waddooyinka, buundooyinka, guryaha iyo kaabayaasha kale ee dalka.

Julien Harneis ayaa sheegay in arrintaasi ay markhaati u tahay, cawaaqib xumahada ka dhalan karta, marka loo dhug yeelan waayo arrimaha deegaanka iyo isbedelka cimilada.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in dad lagu qiyaasay illaa 1,700 oo qof ay naftooda ku waayeen, daadadkii ku fatahay dalka Pakistan, iyada oo dadka dhintay ay saddex meelood, meel ka mida ay caruur ahaayeen. Waxaa sidoo kale dhaawacyo kala duwan ay soo gaadheen illaa 12,800 oo qof.

Horseed Media