Shacabka Pakistan ayaa maanta bilaabay banaanbaxyo balaaran oo looga soo horjeedo dowlada isla markaana lagu taageerayo…
Shacabka Pakistan ayaa maanta bilaabay banaanbaxyo balaaran oo looga soo horjeedo dowlada isla markaana lagu taageerayo hogaamiyaha xiran Imran Khan.
Banaanbaxyadan ayaa lagu soo beegay sanadguurada u buuxsantay Raysalwasaarihii hore Imran Khan intuu xabsiga ku jiro.
Shacabka ayaa ugu baaqay dowlada inay xabsiga kasii deyso Imran Khan, iyagoo ku goodiyey inay sii wadi doonaan mudaharaadka.
Banaanbaxa ugu weyn ayaa ka dhacay magaalada Swabi ee gobalka Khyber Pakhtunkhwa, isu soo baxaasi oo ay ka qeyb galeen ugu yaraan 10.000 qof.
Banaanbaxyadan ayaa culeys xoogan saaraya Xukuumada Raysalwasaare Shehbaz Sharif, inay maqasho codka shacabka.
Shacabka Pakistan ayaa dhiiri gelin ka helay kacdoonkii shacabka ee ka dhacay Bangaladhesh oo maanta xukunka looga tuuray Raysalwasaare Hasina.
Horseed Media