Paris: Booliska oo baarey guriga musharaxa Madaxweynaha ee François Fillon

Published: March 3, 2017

Booliska dalka Faransiiska ayaa maalintii khamiista gudaha u galay guriga uu degan yahay musharaxa xilka Madaxweynaha Faransiiska ee Xisbiga Jamhuuriga François Fillon, magaalada Paris sida uu qorey wargeyska Le Parisien.

Gelitaanka guriga musharaxa ayaa la xiriirta baaritaanka fadeexadda mushaharka ee uu siin jirey xaaskiisa markii uu ahaa Xildhibaanka sida xogtan loogu sheegay Le Parisien.

Sida laga soo xiganayo joornaalka Le Canard Enchain├® xaaska Musharaxa Madaxweynaha ee Xisbiga Jamhuuriga Penelope Fillon ayaa qaadatey lacag ka badan nus malyuun euro iyada oo aan qaban wax shaqo ah.

Sida uu sheegey Musharaxa Madaxweynaha Faransiiska Fillon xaaskiisu waxay shaqadeeda u gudatey si wanaagsan taas oo baaritaan ku socdo hadda.

Ka hor inta aysan soo bixin fadeexadda mushaharka Fillon waxa uu safka hore uga jirey tartanka Madaxweynaha waxaana la sadaalinaayey in uu si fudud ugu guuleysan karo.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *