PM Xamse Cabdi oo booqasho ku tegey degmada Balcad

Published: May 30, 2024

Ra’iisul WasaarAha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa tagey magaalada Balcad si uu u kormeeroo billawga wajiga saddexaad ee waddada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar. Booqashada waxaa raysalwasaaraha ku weheliyey Safiirka dowladda Qatar ee Soomaaliya iyo qaar kamid ah golihiisa wasiirada.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in wadada isku xirta Jowhar iyo Muqdisho ay faa’ideo weyn u leedahay shacabka waxaana uu carrabka ku adkeeyay in ay tahay mid muhiim ah oo fure u ah ganacsiga, kor u qaadidda dhaqdhaqaaqa dadka iyo gaadiidka, horumarinta dhaqaalaha iyo adeegyada aasaasiga ah.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Bare, oo warbixin ku saabsan halka uu marayo diyaar-garowga wajiga saddexaad ka dhageystay Injineerada gacanta ku haya dhismaha waddada, ayaa uga mahadceliyey Dowladda Qatar ee maalgelisay mashruucan, Injineerada iyo shaqaalaha dhisaya waddada, kuwaas oo u huray naftooda.

Waxa uu sheegay Ra’iisul Wasaaruhu in Soomaaliya ay mareyso marxalad muhiim ah oo ay ka guuleysatay argagixisada, isla markaana la xaqiijiyey guulo waaweyn oo dalka u horseedaya maalgashi, si loo helo maalgashigana ay lagama maarmaan tahay in dalku uu yeesho kaabayaasha muhiimka ah ee ay kamid yihiin jidadka iyo korontada.

Mashruucan ayaa bilowdey sanadkii 2019 waxaana uu ka kooban saddex qeybood oo lagu dhisayo waddooyinka isku xiraya Muqdisho-Afgooye, Muqdisho-Balcad iyo Balcad-Jowhar, iyada oo la soo gabagabeeyey labadii waji ee hore oo isku xireyey Muqdisho-Balcad iyo Muqdisho-Afgooye.