Puntland: Doorashada 3da Degmo Oo Dib Loo Dhigay

Published: July 6, 2021

Guddiga kumeel-gaarka doorashooyinka Puntland (TPEC) ayaa maanta shaaciyay xiliga rasmiga ah ee ay dhacayso doorashada horudhaca ah ee degmooyinka Eyl, Qardho iyo Ufeyn ee Puntland.

Guddoomiyaha Guddiga TPEC, Guuleed Saalax Barre oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay kadib ay la tashadeen dowlada, ururada siyaasada iyo bulshada rayidka kadibna ay tixgeliyeen doorashada federaalka Soomaaliya inay go’aamiyeen in doorashada seddexdaas degmo dhacdo maalinta isniinta ee 25/October/2021, si la isu waafajiyo jadwalka iyo xeerka doorashada.

Guuleed, wuxuu sheegay sababta ay doorashadan dib ugu dhigeen inay tahay si labada doorasho caqabad isugu noqon, sidoo kalena xili roobaadka looga leexiyo fursadna u siiyaan reer guuraaga isdiiwaangeliyey.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *