Puntland iyo Ganacsatada oo Ka Wada Hadlay Maciishada iyo Cudurka Coronavirus

Published: April 3, 2020

Guddiga ay dowladda Puntland u xilsaartay Maciishada iyo Maaliyadda ayaa waxay kulan la qaateen ganacsatada Bosaso iyo Garowe ee reer Puntland .

Kulankan ayaa waxaa looga wada hadlay arrimo badan oo la xiriira qorshaha saadasha kayda maciishada qutul duruuriga ah. Qodobada ay guddiga iyo ganacsata kawada hadleen ayaa waxaa ka mid ah.

1 Ganacsatadu waxay u cadeeyeen guddiga in kaydka maciisha qutul daruuriga ah ee hada taala gudaha wadanka ama dekadda ku xiran ay ku filan tahay shacabka reer Puntland bilaha soo socda.

2. Guddigu wuxuu xooga saaray in Maraakibta iyo doonyaha wada raashinka ee ku xiran Dekadda Bossaso loo fududeeyo dajintooda.

3. In Guddiga iyo Ganacsatadu si dhow ula socdaan dhaqdhaqaaqa sicirka maciishadaha aasaasiga ah isla markaana ay wadajir uga hortagaan koror ku yimaada sicirka maciishada aasaasiga ah (Raashinka)

4. Guddigu waxaa uu ganacsatada u xaqiijiyey in baaburta xamuulka ah ee wada maciishadaha kala duwan aysan saameyn doonin xanimaadaha isu socodka lagu soo rogay. Isla markaana waxa uu u xaqiijiyey in la hakiyey cashuurta iibka (sales Tax) ilaa inta xaalada lagu jiro.

5. Guddigu waxaa uu ka codsaday ganacsatadda in ay qayb ka qaataan dadaalada looga hortagayo caabuqa COVID-19, iyagoo lala wadaagay Account-nada ay Dowladu u furtay ololaha si ay uga qayb-qaatan.

6. Si loo xoojiyo wada shaqaynta Guddiga iyo Ganacsatada reer Puntland, Waxaa la sameeyay guddi ka kooban Wasiiro, Hay’adda Rugta Ganacsiga iyo Ganacsato.

Dhinaca kale, Xukuumadda Puntland waxay sheegtay in maanta jimce ah ayan jirin wax kiis ah oo la xiriira cudurka coronavirus.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *