Puntland: Madaxweyne Deni oo amray in la joojiyo iibinta buugaagta Manhajka, xilli aad looga cabanayey

Published: August 13, 2022
Shares726

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Amar Madaxweyne ku joojiyay in la iibiyo buugaagta Manhajka Waxbarashada dusgiyada sare ee Puntland, inta dib loo eegayo si loo saxo khaladaadka jira hadda.

Madaxweynaha ayaa faray Masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland, in la fuliyo amarkan laga billaabo maanta 13 August 2022 illaa amar dambe.

Amarka madaxweyne Deni ayaa kusoo aaday, iyadoo waalidiinta ay aad uga cabanayeen lacag dhan $55 oo ay wasaaradda waxbarashadu kusoo rogtay qaadashada buugaagta manhajka waxbarashada.

Wasiirka waxbarashada Puntland Cabdullaahi Maxamed Xasan ayaa sidoo kale markii ay cabashada qabsatay baraha bulshada waxa uu sheegay inay waalidiinta ka qafiifiyeen lacagta buugaagta, isagoo sheegay in si tartiib ah uu isaga bixin karo waalidkii aan awoodin inuu buugaagta halmar iibsado.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment

  1. Maasha alaah madaxwayne Deni waa qof wanaagsan ilaahay hakaa raali nqfo mudane madaxwayne waxaad ka khafiifisay culayskii maamooyinkii soomaaliyeed ee reer puntland oo ubadan danyar aan awoodin kharashkaas intaas fara leeg oo caruurtoodi waxbaranaysay lugu soo rogay ayadoo awal mushaarkoodii la daalaa dhacaya