Puntland: Maxkamad La Horkeenay Rag Loo Haysto Kufsi Iyo Dil Ka Dhacay Garoowe

Published: August 26, 2020

Maxkamada Darajada Koowaad ee Gobolka Nugaal ayaa maanta la horkeenay 7 nin oo loo heysto kiiska (AUN) marxuumad Hodan Shanleyste oo sanad kahor kufsi iyo dil loogu geystay magaalada Garoowe.

Marxuumada ayaa xili duhur ah loogu dhacay hoyga ay ka degan tahay magaalada Garoowe, waxaana halkaas loogu geystay kufsi wadareed iyadoona kadib bac-madow lagu ceejiyey.

Maxkamada ayaa dib u dhigtay dhegaysiga eedaysanayaasha maadaama ay eedaysanayaashu wadan qareen u dooda, maxkamada ayaana markii dambe u qabatay, waxaana dib la isugu soo noqon doonaa xiliga ay soo diyaar garoobaan qareenadu.

Marar badan oo hore ayuu dib u dhacay kiiskan sababo la xiriira caddeymaha kiiskaan oo aan dhamaystirnayn iyo xanuunka Covid19 oo hakiyey shaqooyinka maxkamada, waana kiiskii labaad ee kufsi ee ugu adkaa oo ka dhacay Puntland, waxaana ka horeeyey kiiskii Caa’isha Ilyaas Aadan oo raggii dilay lagu fuliyay xukun dil ah.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *