Puntland Oo Bilaabaysa Tartankii Ciyaaraha Gobolada 6 Sanno Kadib

Published: August 26, 2020

Dowlada Puntland ayaa dib u bilaabaysa tartankii ciyaaraha gobolada Puntland kaasoo ay qabashadiisu ugu dambeysay lix sanno kahor (2014), xiligaas oo ay ku guuleysteen xulka gobolka Nugaal.

War qoraal ah oo kasoo baxay wasaaradda shaqada, shaqaalaha, dhallinyarada iyo ciyaaraha Puntland ayaa lagu wargeliyay guddoonada dhallinyarada iyo cayaaraaha gobollada Puntland inay u diyaargaroobaan tartanka guud ee gobollada soona xulaan ciyaartoydii matali lahaa gobol kasta.

Inkastoo aysan wasaaraddu cayimin waqtiga uu bilaabanayo tartanku hadana waxay ugu baaqday inay sameeyeen ciyaaro saaxiibtinimo oo loogu gogol xaarayo tartarka guud ee Puntland.

Xulalka gobolada Bari iyo Karkaar ayaa galabnimadii jimaha ee 21ka August ee sanadkan, waxay ciyaar saaxiibtinimo ku dhexmartay magaalada Qardho taasoo ay 1-0 guushu ku raacday xulka gobolka Karkaar.

Hoos ka Akhriso:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *