Puntland oo Gudi u magacwday Aas Qaran oo loo sameynayo AUN Cabdisamad Cali Shire

Published: May 20, 2021

Madaxweyne Kuxigeenka Dowladda Puntland ahna Ku-simaha Madaxweynaha Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa magacaabay Guddi ka shaqeeya qaban-qaabada aas Qaran oo loo samaynayo Allaha u naxariistee Madaxweyne Ku-xigeenkii Hore ee Dowladda Puntland Janaraal Cabdisamad Cali Shire.

Guddigan oo ka kooban 9-xubnood ayaa ka shaqeyn doona howsha qaban qaabada Aaska Qaran waxaana gudoomiye u ah Wasiirka Cadaaladda Puntland Cawil Shiikh Xaamud.

Xubnaha Gudiga uu magacaabay Madaxweyne kuxigeenka DPL ayaa kala ah:

1.Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Cawil Shiikh Xaamud ( Guddoomiye )

2. Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Siciid Cismaan Aadan (Xubin )

3. Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr. Jaama Faarax Xasan (Xubin)

4. Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Cabdi Ibraahin Warsame Qawdhan (Xubin)

5. Agaasime Ku-xigeenka Madaxtooyada Dowladda Puntland, Ahna Ku-simaha Agaasimaha Cabdiweli Cali Cabdulle Timacadde ( Xubin )

6. Taliyaha Ciidanka Daraawiishta S/Gaas Yaasiin Cumar Dheere (xubin)7. Taliyaha Ciidanka Booliiska S/ Guuto Cabdi Xasan Xuseen (Xubin)

8. Guddoomiyaha gobolka Nugaal Cawil Axmed Maxamed (Xubin) 9. Guddoomiyaha Degmada Garoowe Axmed Siciid (Axmed Barre ) (Xubin).

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *