Puntland Oo Hakisay Dadka Kasoo Safraya Dalka Hindiya – VIDEO

Published: May 11, 2021

Wasiirka caafimaadka Puntland, Dr. Jaamac Faarax Xasan, ayaa sheegay, iyadoo Puntland ilaalinayso badqabka shacabkeeda in ay joojiyeen safarka dadka ka imaanaya Hindia, waxaana laga  codsaday dadkaas inay sii joogaan inta xaaladu isbadalayso.

Dr Jaamac Faarax Xasan ayaa ugu baaqay dawladda federalka iyo maamulada kale ee dalka ka jira inay go’aan kaan oo kale qaataan si looga badbaado in dad xanuunka qaba ay dalka yimaadaan.

Dhanka kale, Wasiirka ayaa shaaciyey bishaan dhamaadkeeda in la bilaabi doono wajiga labaad ee talaalka Covid19, kaas oo la siin doono dadkii horay u qaatay qaybtii koowaad.

Hoos ka daawo:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *