Puntland oo iska fogeysay eedeymo uga yimid Somaliland

Published: February 27, 2023

Xukuumadda Puntland ayaa ka hadashay eedeymo ay saaka u jeedisay Somaliland kadib dagaal culus oo ka dhacay duleedka Laascaanood.

Puntland ayaa sheegtay in dagaalka maalintii 22-aad uu si toos ah uga socda magaalada Laascaanood kaas oo u dhaxeeyaa Dadka Deegaanka oo u dagaalamaya Naftooda, Sharaftooda iyo rabitaankooda masiiriga ah iyo ciidamada Somaliland oo qori caaraddiis iyo khasab xal ku raadinaya.

Sidoo kale Puntland ayaa sheegtay in dagaalkaani uu ka dhashay dilal qorsheysan oo loo geystay haldoorka gobolka Sool kadibna isku bedelay kacdoon shacab.

Puntland ayaa cadeysayn in aanay dagaalka qayb ka ahayn, kuna jirin, Mowqifkeedi horena aan waxba iska badalin.

Ugu dambeyn Xuluumadda Puntland ayaa markale Somaliland ugu baaqday in ay si deg deg ah ciidamadeeda ugala baxdo Degaanada Gobolka Sool si gargaar bini’aadantinimo loo gaarsiiyo dadka tabaalaysan ee barakacay.

Horseed Media