Puntland oo ka hortagaysa Qorshe Somaliland ay kawado Gobolada Sanaad iyo Haylaan

Published: June 9, 2021

Amar kasoo baxay Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee dowladda Puntland ayaa lagu shaaciyay in la joojiyay qorsho Somaliland ay ku dooneyso in Imtixaanaadka Iskuulada uga fuliso Gobollada Sanaag iyo Haylaan.

Qoraal kasoo baxay xafiiska Wasiirka Waxbarashada Cabdullaahi Maxamed Xasan ayaa lagu faray masuuliyiinta gobolada Sanaag iyo Haylaan in ay joojiyan in Somalialnd ay Imtixaan ka qabato labadaaasi Gobol ayna si deg deg ah ufuliyaan amarkan.

Qoraalka ayaa sidoo kale waxaa loogu mahad celiyay Shacabka ku nool labada Gobol ee Sanaag iyo Haylaan sida ay uga Shaqeeyeen hirgelinta nidaamka Waxbarasho ee Puntland.

Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland ayaa sheegtay in dhawaan la dhameystiri doono Baahiyaha waxbarasho ee ka jira gobolada Sanaag iyo Haylaan si shacabka ay u helaan adeegyo waxbarasho oo dhameystiran.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *