Puntland oo ka hortimid khidmad DFS kusoo rogtay shirkadaha isgaarsiinta dalka

Published: April 3, 2023

Qoraal kasoo baxay wasaaradda Warfaafinta iyo Isgaarsiinta Puntland ayaa lagu cadeeyey Mowqifka Puntland ee la xiriira xeerarka isgaarsiinta iyo khidmada dheeraadka ee DFS.

Qaraalka ayaa lagu sheegay in Puntland aysan quseyn xeerka la xiriira Isgaarsiinta iyo khidmadaha hirarka ee ay Dowladda Soomaaliya si iskeed ah go’aan uga gaartay.

Sidoo kale qoraalka waxaa lagu yiri “inta laga gaarayo heshiis la xiriira dhaqaalaha, Puntland waxa ay ku dhaqmeysaa dastuurka Puntland iyo xeerka isgaarsiinta iyo canshuuraha Puntland”.

Warkan ka soo baxay Puntland ee ay uga hortimid khidmad dheeraadka ah ee DFS kusoo rogtay shirkadaha isgaarsiinta dalka ayaa ku soo beegyada xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka labada dhinac ee Dowladda Federaalka iyo Puntland.

Horseed Media