Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Ilyaas Osman Lugatoor, ayaa ka qayb galay Xuska Maalinta AIDS-ka Adduunka oo maanta lagu qabtay caasimada Garoowe.
Masuuliyiinta Hay’adda la dagaalanka AIDS-ka ee Puntland (PAC), ayaa munaasabadda kusoo bandhigay tirada xarumaha lagu baaro, tirada dadka la baaray, tirada dadka laga helay, tirada dadka daawada qaata, heerka wacygelinta iyo qorsheyaasha ay ka leeyihiin sidii loola diriri laha cudurkan.
Hay’adda ayaa sheegtay inay sanadka hoos u dhac ku yimid tirada dadka qaadan jirey daawada cudurka, kadib markii ay sheegeen inay la kulmeen faquuq, isla markaana tirrada dadka hadda qaata daawada yihiin 646 qof guud ahaan deegaanada Puntland.
Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland ayaa boggaadiyay dadaalka Dowladdu ugu jirto ka hortagga, xakameynta iyo ciribtirka cudurkan oo halis ku haya adduunka oo dhan, wuxuuna faray masuuliyiinta ay khuseyso in lasii labajabaaro wacigelinta bulshada.
Horseed Media