Puntland Oo Qaabishay Qoysas Cusub Oo Qaxooti Yemeniyiin Ah

Published: June 21, 2021

Qoysas Yemeniyiin ah oo u badan haween iyo caruur ayaa xalay soo gaaray dekeda magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, qaxootigan oo ay wehliyeen dad Soomaaliyeed ayaa ka soo cararay colaadda dalka Yemen.

Wasaarada Arrimaha Gudaha Puntland ayaa sheegtay inay qaxootigan oo gaaraya 80 qoys ku soo dhowaysay Dekadda, isla markaana ay geysay xarunta qaabilaada qaxootiga ee magaalada Boosaaso.

Puntland ayaa tan iyo markii ay colaadaha ka bilowdeen dalka Yemen soo dhowaysay Qaxooti Yemeniyiin ah  iyo dad Soomaaliyeed oo ka soo cararay colaadda ka jirta dalkaasi.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *