Puntland, oo Xukuumadda Federaalka ku eedeysey in ay Shirkado Ganacsi u Samaysatey Arrimaha Xajka

Published: July 5, 2022
Cawil Sheekh Xaamid
Wasiirka Caddaaladda, Dastuurka iyo Arrimaha diinta ee Puntland Cawil Sheekh Xaamud

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda, Arrimaha Diinta, Dastuurka & Dhaqancelinta Puntland Cawil Sheekh Xaamid ayaa ku eedeyey Xukuumadda Federaalku in ay si toos ah u dhacdey qoondadii ku soo aadey Xajka ee Puntland, intaas keliya ma ahan ee waxa uu ku eedeeyey in Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Diintu uu ka ganacsado arimaha Xajka.

Kalfadhigii maanta oo Salaasa ah ay yeesheen Golaha Wakiilada ee Puntland waxaa horyimid Wasaaradda Caddalaadda iyo Arrimaha Diinta ee Puntland, waxaana wax laga weydiiyey shaqadooda.

Su’aalaha la weydiiyey waxaa ka mid ahaa arrimaha Xajka iyo sida Puntland u maamusho.

Cawil Sheekh Xaamid Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Diinta ayaa sheegay in Xukuumadda Federaalku ay sanadkii 2019 si toos ah u dhacdey qoonadadii Xajka ee Puntland, labadii sano ee ku xigey majirin Xajj oo adduunka waxaa haystey Musiibadii Fayraska Koroona ayuu yiri Wasiir Cawil.

Sanadkan 2022 ayuu sheegay in Wasiirka Arrimaha diinta ee Xukuumadda federaalka Sheekh Cumar Cali Rooble uu si toos ah mar kale u dhacay qoondadii Xajka, waxaana uu ku eedeyey in uu ka macaasho arrimaha Xajka oo dadka la saarsado lacag gaareysa $150 ilaa $200 oo dollar ah, shirkad ahaana uga bqaadanaayey 15 kun oo dollar, taas keliya ma ahan ee shirkadaha la siiyey in ay maamulaan arrimaha Xajka ayaa Wasiirka Puntland sheegay in Wasiirka Xukuumadda Federaalka ee Arrimaha diinta Sheekh Cumar Cali Rooble uu shirkado u samaystey isagau lee yahay.

Waxaan idiin sheegayaa waxba gacanta nooguma jiraan marka laga hadlaayo arrimaha Xajka

Cawil Sheekh Xaamud

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Caddaaladda ee Puntland Ilyaas Cabdi ayaa dhankiisa u sheegay Xildhibaanada in aysan ka yeelayn Dowladda Xassan Sheekh wixii ay Farmaajo ka diideen, arrimaha Xajkuna u horeeyo.

Qoonada Puntland ku soo aadey ayaa ahayd tii ugu yarayd ee DOwlad goboleedyada kale heleen, waxaana sanadkasta taagan dhibaato la xiriirta arrimaha Xajka taas oo aan heshiis marna laga gaarin.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *