Puntland: Sarkaal ku geeriyooday qarax ka dhacay degaan katirsan gobolka Bari

Published: February 5, 2023

Qarax miino oo nooca dhulka lagu aaso ah ayaa degaanka Durduri oo u dhaxeeya magaalooyinka Ceelaayo iyo Laasqoray ee gobalka Sanaag la gula eegtay Ciidamo katirsan kuwa Puntland.

Taliyihii Macowsleyda buuraleyda Calmadow ee gobolka Sanaag, Cabdirashiid Cali Xiirey (Abees Dhuuni) ayaa ku geeriyooday qaraxaasi.

Sidoo kale laba kamid ah ciidankiisa ilaalada u ahaa ayaa ku geeryoodey qarax lagula eegtey miyiga degmada Ceelaayo.

Ma jirto cid sheegatay masuuliayada qaraxaasi, dhan dowladana weli kama bixin wax faahfaahin ah.

Horseed Media