Putin iyo Erdogan oo markii afaraad kulmey muddo saddex bilood ah gudahood

Published: October 14, 2022

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa khamiistii la kulmay dhigiisa Turkiga Recep Tayyip Erdoğan, xilli uu ku guda jiray shir goboleed ka dhacay caasimadda Kazakhstan ee Astana.

Horay waxaa loo qabay rajo ah in labada dhinac ay ka wadahadlaan dagaalka Ukraine, balse mowduuca ayaan haba yaraatee la taaban inta uu socday kulanka.

Taas beddelkeeda, shirka ayaa lagaga hadlay arrimaha tamarta iyo waxyaabo kale. Putin ayaa sheegay in Turkiga uu noqon karo xarun cusub oo gaaska caalamiga ah, kadib shilkii ka dacay Nord stream1, waxaana uu sheegay in marinka Turkiga uu noqon doono kan ugu ammaanka badan ee gaaska la gaarsiiyo Yurub.

Intaa waxaa dheer, Putin iyo Erdoğan waxay ka wadahadleen, waxyaabo kale sida dhoofinta badarka.

Kulankan ayaa ahaa kii afraad ee ay yeeshaan labada masuul muddo saddex bilood gudahood ah.

Erdoğan waxa uu marar badan muujiyay xiisaha uu u qabo in uu noqdo dhexdhexaadiye heshiis ka keeni kara colaada Ruushka iyo Ukraine.

Waxa uu aaminsan yahay in Turkiga uu noqon karo awood isku dheeli tiran wada xaajoodka nabadeed, maadaama Turkigu uu xubin ka yahay NATO, balse uu ka soo horjeedo cunaqabataynta reer galbeedka ee Ruushka.

Horseed media