Putin “Ma aragno baahi loo qabo inaan hub Nukliyeer u isticmaalo dalka Ukraine”

Published: October 28, 2022
Shares28

Vladimir Putin, Madaxweynaha Ruushka ayaa mar sii horreysay beeniyey inuu wax damac ah ka leeyahay inuu hub Nukliyeer u isticmaalo dalka Ukraine.

Putin ayaa dagaalka dalkaas ku qeexay inuu qeyb ka yahay dadaallo ay Reer Galbeedka ku xaqiijinayaan awood ku muquunintooda caalamka, oo uu ku sheegay mid guuldarreysan doonta.

Putin oo ka hadlayey shirka khubarada caalamka ee siyaasadda arrimaha dibedda, ayuu sheegay inaysan wax macno ah sameyneyn in Ruushka ay Nukliyeer ku weeraraan Ukraine.

“Ma aragno baahi taas loo qabo. Ma jiro wax macno ah oo ay sameyneyso siyaasad ahaan, iyo militari ahaan,” ayuu yiri Putin.

Putin ayaa sheegay in diginin uu horey u jeediyey oo aheyd inuu diyaar u yahay inuu adeegsado wax kasta oo la heli karo si loo difaaco Ruushka, aysan ka dhigneyn isticmaal Nukliyeer.

Hoggaamiyaha Ruushka ayaa sheegay in siyaasadaha Reer Galbeedka ay kordhin doonaan qaska, isaga oo intaas ku daray qof walba wuxuu guran doonaa miraha waxa uu beerto.

Horseed Media