Putin oo heegan geliyey hubkiisa Nukliyeerka kadib hanjabaadii NATO

Published: February 27, 2022

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa maanta oo Axad ah amar uu siiyey Wasaaradiisa Difaaca sheegay in heegan la geliyo hubkooda Nukliyeerka oo uu sheegay inay jawaab u tahay hadalada iyo hanjabaada kasoo yeeraysa xulafada NATO.

Go’aanka Putin ayaa lagu soo beegay xili dalalka Yurub ay cunaqabateyn kusoo rogeen Ruushka oo laga xiray qaar kamid ah xiriirkii ganacsi oo uu caalamka lalahaa.

Ciidamada Ruushka ayaan weli ku guuleysan inay gacanta ku dhigaan caasimada Ukraine ee Kiyeef, iyagoo la kulmay dagaalo adag oo ay jidgooyo ugu dhigayaan ciidamada Ukraine oo gacan ka helaya shacabkooda.

Ruushka ayaa la sheegay inuu sare u qaaday ciidamada uu u dirayo Ukraine, iyadoo laga cabsi qabo inuu bilaabo duqeynta magaalooyinka waaweyn hadii ay sii xoogeystaan dagaalada ay la kulmayaan ciidamadooda.

Dhinaca kale dowlada Ukraine ayaa maanta ogolaatay inay wadahadal la gasho wafdi ka socda Ruushka oo hada ku sugan dalka Belarus, kulankaasi oo la sheegay inuu ka dhici doono xaduuda Ukraine iyo Belarus, sidaa waxaa ku heshiiyey Madaxweynayaasha Ukraine iyo Belarus oo maanta khadka telefonka kuwada hadlay.

Madaxweynaha Ukraine Zelensky ayaa diiday in shirkan uu ka dhaco caasimada Belarus ee Minsk, isagoo sheegay in dalkaasi uusan dhex dhexaad ka ahayn dagaalka, balse go’aankan danbe qaatay kadib markii uu khadka telefonka kula hadlay Madaxweynaha Belarus Alexander Lukashenko oo kamid ah xulafada Putin.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *