Qaar kamid ah Madaxda caalamka oo ka qeyb galaya aaska Queen Elizabeth II 

Published: September 18, 2022

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden, boqorka Japan Naruhito iyo madaxda kale ee dunida oo ku sugan magaalada London halkaas oo ay uga qeyb galayo aaska qaran ee Queen Elizabeth II ayaa tagay goobta baroordiiqda oo ah hool ku yaalla xarunta Westminister ee Baarlamaanka.

Booqashada kadib waxaa lagu wadaa inay ka qaybgalaan soo dhawaynta ninka taajka boqortooyada kala wareegay boqorada geeriyooday ee boqor Charles III.

Biden, oo u dhoofay UK Sabtidii ayaa sheegay in Elizabeth ay dhigtay rikoor taariikhi ah kadib 70 sano oo ay ahayd boqoradda dalkaasi kahor dhimashdeedii siddeeddii bishan iyadoo ahayd 96 jir.

Hoggaamiyayaasha dalalka Barwaaqo-sooranka ayaa sidoo kale ka mid ah tobannaan madaxda dowladaha caalamka ka socda oo ka qaybgalaya aaska boqoradd,a iyada oo Britain ku jirto howlgalkeedii ugu weynaa ee abid ee booliisku ay ku sugayaan ammaanka.

Horseed Media