Qaar Kamid Ah Odayaasha Dhaqanka Karkaar Oo Ka Hadlay Doorashada Xildhibaanada – VIDEO

Published: December 4, 2020

Qaar kamid ah odayaasha dhaqanka gobolka Karkaar oo galabta shir jaraaid ku qabtay magaalada Qardho, ayaa ka hadlay arimaha doorashooyinka Soomaaliya 2021 gaar ahaan doorka ay odayaasha dhaqanku ku leeyihiin doorashada.

Shirka jaraa’id ayaa waxaa si wadajir ah u qabtay Nabadoon Cabdiqani Axmed Dalaan, Nabadoon Maxamed Cali Shire iyo Samadoon Axmed Dimcad.

Waxay sheegeen in laga soo gudbay xiligii odayaasha dhaqanka iyo nabadoonadu soo xuli jireen xildhibaanada ka qaybgalaya baarlamaanka federaalka Soomaaliya, balse haatan ay awood u leeyihiin oo kaliya xulitaanka ergooyinka dooranaya musharaxiinta xildhibaanka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *