Qaar kamid ah degmooyinka gobolka Nugaal oo laga daahfuray diiwaangelinta doorashada

Published: February 12, 2023

Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland ee TPEC ayaa maanta qaar kmaid ah degmooyinka gobolka Nugaal ka daahfuray diiwaangelinta doorashada goleyaasha degaanka.

Guddiga ayaa Degmooyinka Buurtile iyo Dangorayo ee gobolka Nugaal si rasmi ah uga daahfuray diiwaangelinta cod-bixiyayaasha.

Diiwaangelinta ayaa ka bilaabatay degaanada hoos yimaada labadan ee laga daahfuray.

Guddiga doorshada ayaa horey u shaaciyey inay diiwaangelinta ay bilaabaneyso 7da bishan oo la soo dhaafay taas oo dib u dhacday kadib markii ciidamo katirsan Puntland sheegeen inaysan xiligan doorasho qabsoomi karin.

Caasimadda gobolka Nugaal ee Garowe ayeysan maanta diiwaangelintu ka bilaaban, iyadoo halkaasi uu horey uga dhacay khilaaf sababy gacan ka hadal.

Horseed Media