Qandala: Koox hubeysan oo gaari rakaab ah kala degay 12 qof oo shacab ah

Published: January 28, 2017

Wararka ka imaanaya degmada Qanadala ee gobolka Bari ee Puntland-Soomaaliya ayaa sheegaya in maleeshiyo hubeysan oo la rumeysan yahay in ay ka tirsan yihiin kooxda Daaciish ay gaari rakaab ah kala degeen dad shacab ah.

Gaarigan ayaa ku safrayey meel 35-km u jirta degmada Qandala, isla markaasna ay sagaal nin ay kale degeen gaariga kooxda hubeysan, iyadoo qaar ka mid ah dadkii saarnaa gaariga ay cagahooda ku baxsadeen.

Maleeshiyada ayaa la sheegaya sidoo kale in ay fasaxeen gaariga oo ay la socdeen haween, carruur iyo darawalkii.

Madaxda Puntland ayaan weli ka hadlin dhacdadan.

Horseed Media 2017

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *