Qaramada Midoobay oo baaq u dirtay Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Kenya

Published: October 26, 2022
Shares12

Filippo Grandi, Madaxa Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ayaa sheegay in loo baahan yahay tallaabooyin deg deg si loo ilaaliyo tirda sii kordheysa ee dadka ay baro kicinayaan abaaraha iyo iska hor imaadyada ka dhaca Bariga Afrika.

Grandi ayaa muddo afar maalmood ah wuxuu ku sugnaa dalalka Kenya iyo Soomaaliya halkaas oo hal milyan iyo bar dad ah ay ku khasbanaadeen inay guryahooda kasoo qaxaan sababo la xiriira abaaraha ba’an kadib afar sano oo isku xigta oo roobabkii aanay di’in.

Filippo Grandi oo ka hadlayey shir jaraa’id uu ku qabtay magaakada Nairobi ayuu ugu baaqay Madaxweyneyaasha labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya inay si wadajir ah uga wada shaqeeeyaan caawinta dadka kasoo barakacay saameynta abaaraha.

Waxaa kale oo uu sheegayururada caalamiga ah in mar horeba ay ka digeen gaajada iyo macluusha.

Dhowr sano oo uusan roobkii la filayay di’in ama meelaha qaar uu aad ugu yaraa ayaa sabab u noqday in bulshooyinka xoolo-dhaqatada ah ee miyiga ku nool ay soo wajahdo cunno-yari iyo biyo-yari.

Horseed Media