Qaramada Midoobay Oo Cambaaraysay Hoobiyayaashii Ku Dhacay Xerada Xalane

Published: March 9, 2021

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan, ayaa cambaareeyay weerarkii maanta oo lix madfac ay ku dhaceen agagaarka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

War saxaafadeed kasoo baxay Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay inaysan jirin xarumaha Qaramada Midoobey oo ay waxyeelo soo gaartay mana jiraan shaqaale ka tirsan Qaramada Midoobay oo wax ku noqdeen hoobiyaasha.

“Waxaan cambaareynayaa weerarkan madaafiic ah ee Al-Shabaab ay ku qaadday garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, Waxaan u rajeynaynaa caafimaad deg deg ah kuwa ku dhaawacmay agagaarka garoonka diyaaradaha. In kasta oo ay jiraan falal noocaan oo kale ah oo rabshado wata, saaxiibada Soomaaliya ee caalamiga ah waxay weli ku adkeysanayaan inay garab istaagaan dadka Soomaaliyeed, ayna sii wadaan taageerada horumarka dalka. ”

James Swan

Waxaana masuuliyadda weerarka madaafiicda ku dhacay xerada Xalane sheegatay kooxda Alshabaab.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *