Qaramada Midoobay oo hakisay gargaarkii Waqooyiga-Gaza, kadib Bililiqo iyo Is-rasaaseyn

Published: February 20, 2024

Hay’adda cunnada ee Qaramada Midoobay ayaa sheegtay maanta Talaada ah inay hakisay gargaarkii la gaarsiin jiray waqooyiga Qasa in kasta oo ay jirto gaajo baahsan, kadib markii kolonyo baabuur ah ay la kulmeen rasaas iyo dhac.

Barnaamijka Cunnada Adduunka (WFP) ayaa Axaddii lasoo dhaafay dib u billowday keenista gagaarka kadib saddex toddobaad oo ay hakad ku jirtay, balse kolonyadii “waxaa soo wajahay fowdo iyo rabshado ay sabab u tahay burburka nidaamka deegaankaasi,” ayaa lagu yiri qoraalka maanta lasoo saaray.

Labaatan toddobaad oo uu socday dagaalka Israa’iil ay kula jirto Xamaas ee Marinka Gaza, hay’adaha Qaramada Midoobay ayaa ka digay in cuntada iyo biyaha ay aad u yar yihiin, WFP waxay sheegtay in hawlwadeenadooda ay soo sheegeen ” heerar quus ah oo aan horay loo arag.”

WFP waxa ay sheegtay in lagu qasbay in ay hakiso hawlahooda “ilaa inta laga helayo xaalad u oggolaanaysa in si nabad ah loo qaybiyo gargaarka.”

Horseed Media