Qaramada Midoobay oo ka hadashay bu-bur loo geystay xarunta barakacayaasha ee magaalada Muqdisho

Published: January 1, 2018

Peter De Clercq ku xigeenka wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ee dhanka deegaanka iyo xiriirinta arrimaha bani`aadanimada Soomaaliya ayaa ka hadlay bur-burin la sheegay in lagu hayo xarun ay degan yihiin barakacayaal ah

Xaruntaasi oo ay deganyihiin dad barakacayaal ah ayaa waxa lagu magacaabaa xarunta barakacayaasha iyo adeegyada bani`aadannimo ee KM 13 waxay ku taala degmada Kaxda ee gobolka Banaadir.

Qaar ka mid ah barakacayaasha ayuu sheegey Peter De Clercq in markoodii hore ka soo carareen abaaraha iyo colaadaha ka jira deegaanndooda, isla markaana socod dheer u galeen sidii ay ku gaari lahaayeen gobolada kale ee dalka

Peter de Clercq, waxa uu intaasi ku daray in 23 deegaan oo hoy u ahayd in ka badan 4,000 oo qoys la dumiyey, iyadoo halkaas lagu bur-buriyey agab ay dadkaas lahaayeen iyo waxyaabo kale oo noloshooda ku maareen jireen .

Waxa uu sheegey in uu aad uga xun yahay in halkaas laga saaro barakacayaasha, iyadoo aan la siin war gelin muddo ku filan oo ay deegaanaadaasi uga guuri lahaayeen.

Waxa hadda bannaanka fadhiya carruur, dumar iyo dad da’ah oo xeryahaas ku noolaa dadkaasi lama siin muddo ku filan oo ay alaabooyinkooda uga qaataan goobihii ay degenaayeen ka hor intii aysan bur- burin guryihii ay dadkaasi ku noolaayeen ayuu yiriPeter de Clercq,

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *